4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2019
Xaaf oo Wasaarradda Arrimaha Gudaha u wakiishay arrimaha doorashooyinka Galmudug

 

Khamiis, July, 04, 2019 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa aqbalay in Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ka howlgasho Arrimaha Doorashooyinka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Madaxweyne Xaaf oo markii hore siweyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya oo ku eedeeyay in faragalin ku heyso Galmudug ayaa hadda u muuqda in uu ka soo dabcay mowqifkiisii hore, kaddib kulamo uu la yeeshay madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya gaar ahaan ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay ku kulmeen degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Sidoo kale Xaaf ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ay kulamadaa soo afjareen khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhaxeeyay maamulka Galmudug iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Warka ka soo baxay Madaxweynaha Galmudug :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]