4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2019
Al-shabaab oo fagaare ku toogatay Shan ruux oo ay ku eedeeyeen la shaqeynta dowladda federaalka

 

Khamiis, July, 04, 2019 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Xagar ayaa sheegaya in xarrakada Al-shabaab goob fagaaro ah ku toogasho ku fuliyeen Shan Rag ah oo ku eedeeyeen in ay basaas u ahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo quwadaha kale ee taageerada militari siiya.

Goobta toogashadan ay ka dhacday waxaa ay Al-shabaab isugu keeneen boqolaal dadweynaha deegaanka ah oo daawanayay sida ay toogashadu u dhaceyso, waxaana dadkii isku soo baxay halkaa kula hadlay xubno ka tirsan Ururka.

Ragga toogashada lagu fuliyay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay :

1:  Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi ( Buulle), iyaga oo ku eedeeyay in uu la Shaqeynayay Ciidamada Bangaraafta oo ka mid ah Ciidamada xooga dalka ee uu tababaray Mareykanka.

2: Cabdi kariim Muuumin Axmed oo lagu eedeeyay in uu u Shaqeynayay Hay’adaha sirdoonka Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaano PS.

3: Xasan Barre Isxaaq (Jiiroow Barroow) ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Dowladda Kenya oo Ciidamo ku howlgalla magaca AMISOM ee xilligaan ka joogaan Gudaha dalka Soomaaliya.

4: Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) ayaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Hay’daha Sirdoonka Mareykanka gaar ahaan CIA-da.

5: Axmed Cabdullaahi Warsame oo ay ku eedeeyeen in uu  la Shaqeynayay Hay’daha Sirdoonka Mareykanka gaar ahaan CIA-da.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale Al-shabaab goob fagaaro ah ku toogtaan shaqsiyaad ay ku eedeynayaan in ay si dadban ula shaqeeyaan hay’addaha Amaanka dowladda federaalka iyo quwadaha shisheeye ee gacanta siinaya sida AMISOM iyo Mareykanka.

Maalmo ka hor ayeey aheyd markii Al-shabaab gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen Nin Oday ay oo da’diisa lagu sheegay 75 sano jir ay ku eedeeyeen in ay isla guursaday Gabar iyo Hooyadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]