4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2019
Hay’addaha Amaanka Kenya oo xadgudubyo lagu eedeynayo

 

Khamiis, July, 04, 2019 (HOL) – Hay’addaha Amaanka dalka Kenya aya lagu eedeeyaa in ay adeegsadaan awood xad-dhaaf ah oo sharciga ka baxsan marka ay ku jiraan howlgaladooda.

Warbixin cusub oo la dabaabacay Arbacadii shaley ayaa hay’ada xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ay sheegtay in booliisku uu ku lug leeyahay dilalka ugu yaraan 21 qof, laga soo bilaabo bishii August ee Sanadkii hore ee 2018, dilalkaas oo ay ku jiran 2 qof oo ka soo jeeda xaafadaha Isku raranta ah.

Hay’addu waxaa ay sheegtay in dadka la dilay uu ka mid yahay Tagsiile u xamaalan jiray laba Carruur ah,hayeeshee Booliska Kenya ay u arkeen Nin ay siweyn u doon doonayeen oo ku lug leh carqalado badan oo dhacay.

Cilmi bare ka tirsan Hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegay in dilalka Booliska Kenya ay yihiin kuwo isku eg oo si isku mid ah u dhaca.

“Booliska ayaa Baraha Bulshada soo dhigaya sawirka qof tuug ah oo ay u digayaan,asbuuc ama laba isbuuc kadib waxaa la helayaa oqfkii oo meyd ah,Guryaha ayay dadka ku weerarayaan iyo wadooyinka waana ay xirayaan qofka iyaga oo maalin cad dadka hortooda ku tooganaya ayuu yiri Cilmi bare ka tirsan Hay’adda Human Rights Watch.

Waalidiinta ku nool xaafadaha Isku raranta ee Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay cabsi soo wajahday, iyaga oo ka baqdin qaba in Booliska Kenya ay sibareer ah u waxyeeleeyaan carruurtooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]