Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Wasiirka
Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xuukumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo
kamid ah Guddiga Heer Qaran ee loo xilsaaray la soco-shada Xaaladda dhaawacyadii
dhawaan loo qaaday magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa faah faahin ka bixisay
xaalada caafimaad ee Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.
“Xaaladda Caafimaadka Guddoomiyaha Gobalka
Banaadir iyo Bukaannadii kale ee la soo qaaday wey ka soo reyneysaa maalinba
maalinta ka dambeysa, Qaarkood waa laga soo badalay Sariirihii lagu daweynayay,
insha Alllaah waxaan maalmaha soosocdo rajeyneynaa in xaaladdiisu ay sidii
caadiga aheyd ku soo laabat” ayay tiri Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.
Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka
Qadar C/risaaq Faarax Cali Taano oo faah-faahin dheeraad ah sii bixiyay ayaa
sheegay in Qeybta Xaaladda Dagdagga ah laga saaray 6 kamid ah bukaanadii la
qaaday, haddana Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Maxamed Cabdi Maxamuud
Gaboose ay ku harsan yihiin Qeybta Xaalaadda Degdegga ah.
“Laba Firir oo Caloosha kaga jiray Duqa magaalada
in laga saaro waa lagu guuleystay, go’aan weli lagama gaarin in laga soo saaro
firiro kale oo madaxa uga yaallo, dhaqaatiir fiican oo ku filan ayaa joogta,
sidoo kale Xaaska guddoomiyaha iyo Caruurtiisa cisbtiaalka la jooga, maalmaha
nasoo aadan waxaan jeclahay in loo soo wareejiyo qeybaha kale ee lagu daweeyo
dadka caadiga ah” ayuu yiri Safiirka.
11 Ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hatan lagu
daweynayaa Isbitaal ku yaalla Magalada Doxa ee dalka Qatar,kuwaas oo ku
dhaawacmay qarixii 24-kii Bishaan ka dhex dhacay Xarunta Maamulka
gobolka Banaadir.
Hay’addaha Amaanka ayaa wali ku howlan
baaritaanka Qaraxii dhawaan ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir,
waxaana soo baxaya tuhun la xiriira in ay qaraxaasi ay ku lug lahaayeen saraakiil sar sare oo ka
tirsan maamulka gobolka.