4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Ceel Afweyn

Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa usoo jeediyay dhinacyada ku dagaallamaya deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag inay si dhaqso ah dagaalka u joojiyaa.

"Madaxweynaha waxa uu ka tiiraanyeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh." ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay madaxtooyada.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtan, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqayaa Madaxda Maamulka Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka.

"Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow... waxa uu xasuusinayaa dadka deegaanka Ceel-Afweyn xigtanimada, xiriirka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya, sidoo kalena in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah." ayuu ku daray qoraalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]