3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2019
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo si rasmi ah u furiistay xafiiska looga arrimiyo maamulka gobolka


Khamiis,July, 11, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa u fariistay maanta xafiiska looga arrimiyo maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo dhinaca kalana wali uu taagan yahay khilaafkii ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Guddoomiyaha oo ay dhinacyada ka fadhiyaan, Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah xubnaha maamulka heer Gobol, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in dib maanta loo howlgalo xafiisyadii  xarumihii maamulka gobolka oo muddo ka badan Bil aan wax shaqo ah lagu qaban,

Wuxuu ka dalbaday qeybaha kala duwan ee bulshada in ay la shaqeeyaan maamulka uu guddoomiyaha ka yahay, waxaana uu intaa ku daray in qof kasta oo mas'uul ka noqda gobolka looga baahan yahay in uu ka tago sida uu hadalka u dhigay wax qabad lagu xasuusto.

''Xilku waa meerto,  qof kasta oo mas'uul ah marka uu xilka ka deggo labo mid ayuu ku sifoobaa oo kala ah  in uu ka tago taariikh madow oo ku suntan xil gudasho la'aan, Ama in uu ka tago taariikh wax-qabad oo bulshadu ku soo xasuusato, sidaa daraadeed waxaan balan-qaadayaa in aan la iman doono is badal iyo waxqabad muuqda oo la taaban karo si aan marka danbe uga tago taariikh wanaagsan Annaga oo ku shaqeynaya rabitaanka bulshada '' ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka.

Wuxuu sheegay in ay dib u bilabaanayaan howlihii iyo adeegyadii kala duwanaa maamulka gobolka u yahay bulshada.

Ma dhicin wax xil wareejin ah waxaana wali ku sugan magaalada Beledweyne madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyo xildhiibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo u yimid xalinta khilaafka siyaasadeed.

Laakiin dhinaca kale Wasiirka Dib-u-hishiisiinta dowlad gobolleedka Hirshabeelle Eng Cabdikariin Cali Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay xildhibaannada baarlamaanka federaalka  ee ku sugan magaalada Beledweyne in aysan u iman xalinta khilaafka siyaasadeed ee taagan balse sii fogeynayaan xalka iyaga oo ka fikiraya ayuu yiri danahooda gaarka ah ee siyaasadeed.

Eedeyntan oo aan wax ka weydiinay qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan.

Waxaa soconaya dadaallo kala duwan oo la doonayo in ugu danbeyntii guddoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed lagu qanciyo in uu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub, waxaana qeyb ka ah dadaalladan socda odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka oo tan iyo markii uu khilaafku bilaawday ku howlanaa xal u helida mashkaladan siyaasadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
7/11/2019 4:23 PM EST
Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA, ayaa maanta shaaca ka qaadday in gacanta lagu dhigay Rag qorsheynayay weeraro iyo hubkii ay wateen,kaddib howlgal ay ciidammada amniga ka fuliyeen dulleedka Muqdisho.

7/11/2019 4:08 PM EST
Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

7/11/2019 11:13 AM EST
Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Waxaa hoolka Shirarka ee Kaali ka furmay maanta Shir lagu qiimaynayay hoggaaminta DDS ee heer degaan, gobol, degmo iyo maamul magaalooyin.

7/11/2019 10:32 AM EST
Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya , Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulamo la qaatay qaybo kamid ah dhallinyarada iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ee Gaalkacyo iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo.

7/11/2019 10:27 AM EST
Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa usoo jeediyay dhinacyada ku dagaallamaya deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag inay si dhaqso ah dagaalka u joojiyaa.

7/11/2019 9:23 AM EST
Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay isla markaana saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait) oo ay si wadajir ah u fulinayaan hay'adda ADRA iyo wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Soomaaliya.

7/11/2019 8:59 AM EST
Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 16 qof ayaa ku geeriyooday 78 kalana waa ay ku dhaawacmeen shil tareen oo ka dhacay magaalada Rahim Yar Khan ee ku taala dalka Pakistan.

7/11/2019 8:48 AM EST
Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ku soo bandhigay degmada Dharkiinley rag la sheegay inay dhac u geysan jireen bulshada iyo hub ay wateen.

7/11/2019 4:48 AM EST
Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Doonyo nooca dheereeya oo ay leeyihiin ciidammada badda ee Iiraan ayaa weeraray markab nooca saliidda qaada oo laga leeyahay dalka Britain oo gooshayay xeebaha gacanka marinka Hormuuz, sida ay sheegtay dowladda Ingiriiska.

7/11/2019 4:37 AM EST
Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Pakistan, Imraan Khaan ayaa booqashadii u horreysay dabayaaqada bishan ku tagi doonaa dalka Marekanka, halkaa oo kullan gaar ah uu kula qaaday doonaya madaxweynaha Marekanka,Donald Trump.

7/11/2019 3:29 AM EST
Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay kulan la sheegay in uu magaalada Addis Ababa ku dhaxmari doono madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya

7/11/2019 1:22 AM EST
Khamiis, July, 11, 2019 (HOL) –Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle saacadihii ugu danbeeyay waxaa ka soconayay kulamo xasaasi ah oo u dhaxeeyay xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaa oo salka ku haya khilaaf soo kala dhax-galay guddoonka sare ee Golaha Baarlamaanka.

7/11/2019 12:51 AM EST
Khamiis, July, 11, 2019 (HOL) -Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo ay wehliyaan La-taliyayaal iyo Agaasime-waaxeedyo katirsan Wasaaradda Dastuurka ayaa maanta kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo ay wehliyaan Agaasime-waaxeedyo katirsan Mdaxtooyada Qaranka iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Madaxweynaha JFS.