4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2019
Iiraan iyo reer galbeedka oo mar kale uu khilaaf soo kala dhexgalay

Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in doonyo nooca dheereeya oo ay leeyihiin ciidammada badda ee Iiraan inay weerareen markab nooca saliidda qaada oo laga leeyahay dalka Britain oo gooshayay xeebaha gacanka marinka Hormuuz.

Saddex ka mid ah doonyaha Iiraan kuma ay guulaysan howlgalkooda inay dusha sare ku fuulaan markabka ganacsi ee Britishka ee adeegsanayay marin biyoodka Hormuuz, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UK.

Dowladda Britain ayaa sheegtay in markabka ganacsi ee dalkeeda uu baxsaday, kaddib qaylo dhaan uu u diray markab kuwa dagaalka oo ay leeyihiin ciidamadooda badda ee ku dhow xeebaha.

"Waxa aynu ka walaacsanahay sii socoshada falalka noocan oo kalle ah, waxaan usoo jeedinaynaa masuuliyiinta Iiraan inay xaaladda gobolka sii kordhin." ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay UK.
Dhanka kalle wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Javad Zarif ayaa iska diidday eedaymaha loo soo jeediyay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars.

"Sida cad markabka rarka ee Britishka waa uu gudbay, balse sheegashada ah in la weeraray waa muddo lagu abuurayo xiisad." ayuu yiri.

Ciidammada kacaanka ee Iiraan ayaa sidoo kalle beeniyay inay dhacdo noocaas oo kalle ah ay  ku lug lahaayeen, sida ay ku sheegeen qoraal ay soo saareen.

Saraakiil katirsan ciidammada Mareykanka ayaa dhankooda u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay rumaysanyihiin shan doonyood oo ay leeyihiin ciidammada Iiraan inay ku lug lahaayeen weerarkan.

Xiisadda Iiraan iyo dalalka reer galbeedka ayaa sii kordhaysa iyadoo inta badan maraakiibta dagaal ee dalalkaasi ay soo gaareen xeebaha bariga dhexe si’ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada Iiraaniyiinta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]