Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedelka xeerka hanti dhowrka guud ee Qaranka.
Mudaneyaal gaaraya 163 xildhibaan ayaa ogolaaday in wax laga badelo xeerka jalka ay diideen 13 xildhibaan in badel lagu sameeyo xeerka mana jirto cid ka aamusay.
Maxamed Mursal Guddoomiyaha golaha shacabka mudane ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.
Go’aankan ka soo baxay Golaha shacabka ayaa ogolaanaya in xafiisyada anti dhowrka dalka ay maamuli karaan ajaanibta loo magaaco.
Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online[email protected]