Xisbiga WADANI oo sheegay in aanay doorasho galeen illaa Guddida doorashooyinka la bedello
Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)- Hoggaamiyaha
xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay
mawqifka xisbigooda ee arrimaha doorashooyinka iyo sida looga gudbayo
caqabadaha hor taaggan in ay qabsoomaan doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Iyo
Wakiillada.
“WADDANI ceeb la’aan Guddida Doorashada wuu
deedafeeyay oo wuxuu yidhi noo qaban maysaan doorasho, kuma kalsoonin waana
mawqif xisbigani qaatay, cid ku khasbi karta ma jirto.”ayuu yidhi Xirsi.
Hoggaamiyaha Waddani waxa uu sheegay in aanay
suuro gal ahayn doorasho laba xisbi ah in ay dalka ka dhacdo “Waxaan leeyahay
dalka ma hore ayaynu u wadna mise dib? Waxaad madaxweyne soo qortay oo aad
doorashada ku gashay ‘Horaa loo soconaya’ dee waxa muuqata geerkii damba inoogu
jire ee kii hore inooguma jiro ee haddii ay yihiin xisbiyo, dawlad iyo shacba
aynu geerka hore gashano, doorashadii aynu sanadaha soo wadnay yaynaan maanta
isku qabsanin,”
Sidoo kale, waxa uu fariin u direy golaha
Guurtida, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Golaha Guurtida oo ah labada gole kii
sarreeyay oo Somaliland-na in badan ku soo caano maashay hannaanka doorashada
iyo dimuqraadiyadda ee aynu muddada soo wadnay kordhiskiinu yaanu wax yeelin ee
wax macquul ah oo aan dhaafsiisnayn sanadka haddii intayadii ku wada jirtay ee
wax wada lahayn isla fahmi waynay wax aan dhaafsiisnayn sanadka 2019 yaan la
dhaafin.”
Sidoo kale, waxay sharci daro ku tilmaameen
xadhiga muwaadiinta, isagoo tusaale usoo qaatay Abwaan C/raxmaan Abees iyo
Abwaan Siciid Gahayr oo isna loo xidhay qoraal uu ka qoray ciidanka Booliska,
waxaana codsadeen in xoriyadooda loo siidaayo.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.