Itoobiya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiska dhoofinta Gaaska Dabiiciga ah ee DDS
Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)-Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Itoobiya ENA , ayaa Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya kala saxiixday heshiis ku saabsan dhoofinta Gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro Dowlada Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya,iyadoo la adeegsanayo dhuumaha Gaaskaasi dabiiciga ah ka soo qaada Itoobiya ee keena Jabuuti,ila 760 KM oo dhumaahaasi laga soo qaado deegaanada Elala iyo Kulab lana geeyo dekedda Jabuuti.
Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Poly-GCL ayaa
fulin doonta mashruucaasi oo dhismihiisa ku kacaya 3.2 Billion,waxaa
lafilayaa in soo saarista Gaaska uu bilowdo 2021,sida uu Wakaaladda ENA u
sheegay Koang Tutlam Wasiiru Dowlaha Batroolka iyo Macdanta dalkaasi
Itoobiya.
“Marka aan bilowno dhoofinta,waxaan awoodaynaa in aan soo saarno ilaa
1 Billion oo Dollar,waxaana kordhaya daqliga oo gaaraya 6 ilaa 7
Billion sanadkiiba”, Ayuu yiri wasiir Koang Tutlam
Heshiiskaasi ayaa waxaa u kala saxiixay Yonis Cali Guuleed oo ah
wasiirka Tamarta ee Jabuuti iyo Samuel Urkatu Wasiirka Batroolka iyo
Macdanta Itoobiya,waxaana ay sheegeen in tallaabadan ay fursado shaqo
abuur iyo kobac dhaqaale u noqon karto bulshooyinka labada dal.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]