Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa
sheegay in maamulka labada dhinac magaalada xalay iska kaashadeen diminta Dab
ka kacay kaalin shidaal, kaasoo geystay bur bur hanti.
Xarunta uu Dabku ka kacay ayaa ku
taala dhinaca Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo maamulka Galmudug
ayaa waxaa u soo gurmaday mas’uuliyiinta iyo bulshada ku dhaqan Waqooyiga
magaalada oo uu ka arimiyo maamulka Puntland, kuwaa oo gacan ka geystay sidii
loo damin lahaa.
Dabka ayaa bur buriyay goobo
ganacsi iyo guryo dad shacab ah degenaayeen kuwaa oo ka agdhawaan halka uu
dabku ka bilaawday , hasse ahaatee lama soo sheegin wax khasare dhimasho ah.
Maamulka Waqooyiga Gaalkacyo ayaa
ugu danbeyntii ku guuleystay in ay geeyaan halka uu dabku ka kacay Dabdamis oo
laga waayay dhinaca Koonfurta magaalada oo ah halka uu dabku ka kacay, kaa oo
qeyb weyn ka qaatay in si dhaqse ah loo damiyo dabka.
Magaalada Gaalkacyo oo u kala
qeybsan labo dhinac oo ay kala maamulaan Puntland iyo Galmudug waxaa ay muddo
dheerba aheyd magaalo colaadeed oo kala xiran, hasse ahaatee waayadii ugu
danbeeyay waxaa muuqaneysay in arintaa meesha ka baxday, magaaladu tahay hadda
mid isku furan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]