Arbaco, Feberaayo, 13, 2019
(HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay
qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyayba ku soo
badanayeen falalka ka dhanka amniga gaar ahaan dilalka qorsheysan.
Howlgal xalay ciidamadu ay ka
sameeyeen degmada Warta Nabada [Ex Wardhiigley] ayeey ku soo qabqabteen
boqolaal dhalinyarro ah oo leysugu geeyay goob barxad ah oo ku taala degmada,
waxaana la sheegay in inta badan dhalinyaradaas la sii daayay kaddib
baaritaanno lagu sameeyay, halka dhalinyarrada qaar oo laga shakiyay loo diray
hay’addaha danbi-baarita.
Howlgalkan ayaa imanaya xili
Al-shabaab todobaadyadii ugu danbeeyay kordhiyeen falalka isugu jira qaraxyada,
dilalka tooska ah iyo weerarrada xarumaha dowladda ee magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar
badan oo hore ku cel celisay in ay wax badan ka qabaneyso nabad-galyada
magaalada Muqdisho, hasse ahaatee waxaa muuqata in Al-shabaab si toos ah u
beegsanayaan saraakiisha ciidamada, waxaana ugu danbeeyay sarkaal ka tirsanaa
Booliiska Soomaaliyeed oo maalin ka hor lagu dilay degmada Hodan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]