Somaliland:Toban kun oo qoys oo barakacayaal ah oo biyo yaraani soo foodsaartay
Talaado, Febraayo 12, 2019 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa qaylo dhaan u dirtay hay’adaha gargaarka si biyo loola gaadho toban kun oo qoys oo biyo yaraani soo foodsaartay.
Gudoomiyaha hay’ada qaxootiga iyo
barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Xinif ayaa sheegay in kaamamka ay ku
jiraan barakacayaashu ay qarka u saaran yihiin biyo yaraan, kuwaas oo si degdeg
ah ugu baahan in la gaadhsiiyo biyo nadiif ah.
Cabdikariin Xinif ayaa kulan la
yeeshay hay’adaha caalamiga iyo kuwo maxaliga ah ee ku dhaqan Somaliland, isla
markaana soo gaadhsiiyey inay u gurmadaan dadkaasi biyo la’aantu soo food saartay.
“barakacayaasha ku dhaqan
gobolada bariga waxa soo foodsaartay biyo yaraan, waxaanay biyo yaraantaaasi
saamaysay toban kun oo qoys oo ku dhaqan gobolada Saaxil, Togdheer, Sool iyo
Sanaag”ayuu yidhi gudoomiye Xinif.
Sidoo kale,w axa uu sheegay Inay
u sii daran yihiin tuulada Guumays ee gobolka Sool iyo gobolka Sanaag oo ah
tuulooyinka Fadhi gaab, Garadag iyo tuulooyin badan oo ay barakacayaal badani
iskugu yimaadeen.
Sidoo kale, hay’adda ka hortagga
masiibooyinka ayaa hore u shaacisay in dad lagu qiyaasay shan boqol oo kun ay
soo foodsaartay macaluul u baahan in loo gurmado.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.