Isniin, Feberaayo,
11, 2019 (HOL)– Ku dhawaad boqol carruur ah ayaa lagu soo warramayaa in bariga
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ugu dhinteen cudurka Ebola, waxaana la
filayaa in tiradaasi ay sii kororto.
Hay'adda samafalka ee Save the Children ayaa ka
digaysa in haddii aan degdeg wax looga qaban xanuunkaasi ay qaadan doonti ilaa
sanad in lala tacaalo.
In ka badan shan boqol oo qof ayaa la xaqiijiyay
in ay cudurka Ebola ugu dhinteen dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo,
waxaana cudurka xilligan lagu tilmaamay kii ugu ballaarnaa ee wadankaasi soo
mara.
Hay'adda Save the children ayaa sheegaysa in mid
ka mid ah shantii qof ee uu cudurka ku dhacay uu yahay ilmo u badan kuwa ka yar
da'da shan jirka.
Ilmaha ayaa lagu soo warramayaa inay aad ugu dhawaadaan dadka qaba xanuunka,
isla markaana ay sababi karaan sii faafidda cudurka, maadaama uu Ebola ku faafo
taabashada dhacaanka dadka qaba.
Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa marar badan la tacaalay cudurka
Ebola, balse waa markii ugu horreysay ee uu si ba'an uga dilaacay bariga
dalkaasi.
Qaar ka mid ah bulshada uu saameeyay xanuunka ayaa colaad kala hortaga
hawlwadeennada caafimaadka, halka xooggaga hubaysan ee gobolkaasi ka
dagaallamana ay caqabad ku noqdeen ka falcelinta Ebola.
BBC Somalia