Isniin,December, 02, 2019 (HOL)-Iyadoo Sabtidii toddobaadkan Mareykanku sheegay in ay duqeyn ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, ayaa waxaa arintaa ka hadlay oo War ka soo saaray maamul gobolleedka Jubbaland.
Afhayeen u hadlay maamulka oo lagu magacaabo Cabdinuur Ibraahim Xusseen ayaa sheegay in duqeyntan lala eegta degmada Jilib Mareykanku ku bartilmaameedsaday Gaadii uu la socday sida uu hadalka u dhigay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.
Laakiin dhinaca kale afhayeenka u hadlay maamulka Jubbaland ma uusan u sheegin warbaahinta magaca sarkaalkan la bartilmaameedsaday iyo haddii ay jiraan dad kale oo wax ku noqday duqeynta.
Taliska Africom oo dhankooda War ka soo saaray duqeynta maalintii shalay ayaa sheegay in ay baaritaan ku samenayaan khasaaraha ka dhashay duqeynta.
Mareykanka ayaa sanadihii ugu danbeeyayba qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya ka wada duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsanaya Kooxaha ka tirsan Ururrada Al-shabaab iyo Daacish.