4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2019
Somaliland oo daahfurtay mashruuca lagu hirgalinayo aaga cashuuraha ka caagan ee dekada Berbera


Talaado, December 10, 2019 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay mashruuc ballaadhan oo lagu hirgelinayo Aagga cashuuraha ka caaggan ee dekedda Berbera oo maanta lagu kala saxeexday Somaliland.

Munaasibadda lagu daah-furayo mashruucan oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxda shirkadda DP World, safiirro ka socday dalalka deriska, madaxda xukuumadda u qaabilsan gobolka Saaxil, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ganacsatada dalka iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo kulanka lagu kala saxeexanayey heshiiska lagu gudo gelayo hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn xukuumadda Somaliland iyo shacabkaba uga mahadceliyey soo dhoweynta loo muujiyey, waxana uu caddeeyey inay shirkad ahaan ku dhammayn doonaan sida uu yahay qorshahooda ay ku dhammaynayaan wejiga koowaad ee dhismaha dekedda Berbera.

Madaxweyne Biixi oo isaguna hadal kooban ka jeediyey munaasibadda daah-furka hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn dawladda Imaaraadka Carabta iyo shirkadda DP World ugaga mahadnaqay maalgashiga ballaadhan ee ay ku sameeyeen dekedda Berbera iyo sida walaaltinimada leh ee ay ugu dhiirradeen inay mashruuc malaayiin Doollar ku kacaya ay ku aaminaan Somaliland.

“Mashruuca Berbera Port aragtida guud ee aynnu qaran ahaan ka leenahay waa inaynu ka helno koboc dhaqaale oo dalkeena Somaliland iyo gobolka aynnu ku naallo iyo geeska Afrika caalamkana aynnu la wadaagno, Himiladeennuna waa inay Barwaaqowdo Somaliland oo ay horseed u noqoto bilowga dhismaha dekedda iyo waddada Berbera iyo madaarka Berbera oo isaguna noqon doona madaar ganacsi oo caalami ah,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa carrabka ku adkeeyey qodobadda lagama maarnaanka u ah hirgelinta himilada fog ee qaranku ka leeyahay casriyeynta dekedda weyn ee Berbera, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “si aynnu taas u hirgelinno waxa aynnu u baahannahay dhawr qodob oo ka kala ah inaynnu helno kaabayaal dhaqaale oo raandhiis leh, waddooyin, deked, isgaadhsiin, koronto ay dadka imanaya iyo ummadaha caalamiga ahi isku hallayn karaan, waxa kale oo aynnu u baahannahay inaynu helno dad aqoon u leh maamulka ganacsiga intaas le’eg ee caalamiga ah oo Somalilanders ah.”

Ugu dambayntii waxa madasha lagu kala saxeexday heshiiska lagu hirgelinayo Aagga Cashuuraha ka caagan ee Berbera, waxana kala saxeexday Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo shirkadda DP World ee mashruucan masuulka ka ah u saxeexay iyo wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda oo xukuumadda Somaliland u saxeexa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.