Labada Xisbi mucaarad ee Somaliland oo madaxweynaha ku eedeeyey dib u dhaca doorashooyinka
Talaado, December 10, 2019 (HOL )– Labadda Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa sheegay inay xidhiidhkii madaxweynaha la lahaayeen u jareen illaa uu soo afjaro khilaafka doorashooyinka oo uu qabto doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo Baarlamaanka.
Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ku hadlayey
afka labada xisbi mucaarad ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu qawlkiisa iyo
ficilkiisu kala duwan yahay, waxaanay ku eedeeyeen in aanu ogolayn inay dalkan
doorasho ka dhacdo.
“Qofka masuulka ah marka uurkiisa iyo afkiisu is yeelan
waayo waa masuubo weyn, qofka madaxda ah waa in qawlkiisa iyo ficilkiisu is
yeeshaan, madaxweyne Biixi labadaas sanadood ee uu dalka hayey hadaladiisu iyo
ficilkiisu ismalaha, doorashada waxa uu
xilku ka saaran yahay waa madaxweynaha, xisbiyada kama saarna masuuliyada”ayuu
yidhi Faysal Cali Waraabe.
Waxaanu intaas ku daray “Madaxweynuhu markii hore in aanay
doorasho dhicin wuxuu marmarsiiyo ka dhigtay xisbi qudha oo yidhi kuma kalsooni gudidaasi
doorashooyinka hadii madaxweynuhu daacad ka yahay doorashada wuu qaban lahaa,
madaxweynaha tanaasul badan baanu u samaynay sidii uu doonayey ayaa la nagu
dhexdhexaadiyey baarlamaanka ha loo gudbiyo tiradda laga dhigayo guddida
doorashooyinka waanu ka ogolaanay, waakii hor degay baarlamaankii ee tiisii u
socotay, si mar kale doorashadu u dhicin ayuu xeerkii doorashooyinka jabiyey oo
uu guddidii doorashooyinka ku soo daray nin uu sharcigu qabanayo, iyadoo
arrintaasi la isku haysto ayuu muddo kordhin sameeyey, mar kale guddidii buu iska dhaariyey khilaafku ka taagnaa, mar
kale ninkii khilaafku ka taagnaa ayuu gudoomiye uga dhigay oo afar qof
doorteen, marka muran buu diyaar u yahay ”
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in madaxweynuhu isku
sawiray in goleyaasha u kordhiyo isna uu korodhsado taasna aanay dhaceen oo ay
isku xidhan yihiiin doorashooyinka goleyaasha baarlamaanka iyo kursigiisu.
“Doorashada goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanku iyo
kursigiisu wuu isku xidhan yahay hadii aanu doorashaasi qaban madaxweyne noqon
maayo.”ayuu yidhi Faysal.
Hadalkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii madaxweynuhu
sheegay inuu la kulmi doonno
gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah oo ay dhamayn doonaan khilaafka
doorashooyinka.
“Waa mihiim inaynu doorasho qabanno, waxana ay doorashadu
dib ugu dhacaysaa khilaafka xisbiyada,Labada guddoomiye xisbi mucaarid waxan
ugu baaqayaa inaan shir degdeg ah isugu nimaadno.." ayuu yidhi madaxweyne
Biixi, waxaana hadalkaasi markiiba ka jawaabay xisbiyada mucaaradka oo qaadacay
inay kulan la yeesahan madaxweynaha.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.