Hiiraan Online
4/18/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2019
Shaqaalaha Dowladda Oo La Fasaxay Maalmaha Ciidda
Arbaco,Augusto, 07, 2019 (HOL)- Qoraal kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay yihiin fasax maalmaha Ciidda Carafo.
"Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargalineysa Dhammaan Hey’addaha xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo hey’adaha Gaarka loo leyahay Shaqaalahooda in ay fasax tahay maalinta Ciidul Carrafa 3 maalmood oo ku aaddan maalinta Axadda ah 11/08/2019, Fasaxana waa Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta…
Sida ku cad sharciga shaqaalaha Qod.30aad, Farqadiisa 2aad na ay fasax yihiin Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta.
Waxaa u rajeynaynaa dhammaan shaqaalaha weynaha soomaaliyeed in ay ku ciidaan farxad iyo nabad, waxaanna lenahay “CIID WANAAGSAN KU CIIDA”." ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan.com
[email protected]