4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2019
Sheekh Shaakir oo soo saaray qoraal shaki-galinaya heshiiskii ay wada galeen dowladda federaalka

 

Arbaco,Augusto, 07, 2019 (HOL)- Madaxa xukuumadda dowlad gobolleedka Galmudug dhinaca kalana ah hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa soo saaray qoraal shaki badan galinaya heshiiskii ay la galleen dowladda federaalka.

Qoraalka oo ku sucda Ra'iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa lagu soo bandhigay qoddobo dhowr ah oo dhamaantood shaki galinaya heshiiskii dhaxmaray labada dhinac, gaar ahaan marka la eego habka isku dhafka ciidamada sugida Amniga magaalada xarunta ah Galmudug ee Dhuusa-Mareeb

Qoraalka oo ku taariikheysan 5-ta bisha Agosto ayaa lagu sheegay inay dhaceen arrimo xadgudub heshiiskii ay la galeen, sida magacaabida Taliyeyaal ciidan aan ku jirin heshiiskooda, ku soo gurid Ciidamo dheeraad ah oo ka baxsan Heshiiskii, hadal heyn ah in Ciidamo Ajnabi iyo kuwa ka socda dowladda Federaalka, howlgalo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka baxsan ciidankii isku dhafka ahaa.

Hoos ka Akhriso Qoraalka oo dhameystiran :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]