3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2019
Musharixiinta Jubbaland oo sharuud ku xiray ka qeybgalka doorashada

 

Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)-Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland oo Kismaayo kulan kula qaatay wakiilka Urur gobolleedka IGAD ayaa waxaa ay u gudbiyeen sharuud ay ku xireen ka qeybgalka doorashada Jubbaland.

Musharixiinta oo aan wali is diiwaan-galin ayaa dood ka qaba sharci ahaanshaha guddiga doorashada Jubbaland, iyaga oo dhinaca kala dalbaday in wax ka badal lagu sameeyo hannaanka ay hadda wax u socdaan.

Sharuudaha ay ku xireen doorashada musharixiinta ayaa waxaa ka mid ah :-

1: In Xildhibaannada ay soo xulaan Odayaasha Saxda ah ee Jubbaland.

2: In hal qof  loo soo xulo  kursi Xildhibaan

3: In doorashada Madaxweynaha Baarlamaanka Jubaland ay qabtaan.

4: In doorashada ay ka dhacdo goob ka madax bannaan  Xarumaha Maamulka Jubbaland sida xarunta QM.

5: In Ammaanka goobta doorashada iyo amaanka musharixiinta ay sugaan Ciidamada AMISOM.

6: In doorashada Jubbaland ay goobjoog ka noqdaan Xubno ka socda Dowlada Federaalka

7: In in Goob joogayaal Caalami ah  la helo sida Xubno ka socda Beesha Caalamka.

8: In Warbaahinta gudaha iyo tan dibadda ay goobjoog ka ahaadaan doorashada.

 

Doorashada oo lagu wado in ay dhacdo daba-yaaqada bishan Augusto, ayaa wali waxaa ku hareereysan shaki la xiriira in ay ku dhici karto waqtigii loogu talagalay madaama wali ay jiraan dooddo ka imanaya dhinaca musharixiinta la baxay Isbadal -Doonka ee kursiga kula tartamaya madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 













Click here
8/7/2019 12:30 PM EST
Arbaco,Augusto, 07, 2019 (HOL)- Qoraal kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay yihiin fasax maalmaha Ciidda Carafo.

8/7/2019 12:00 PM EST
Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)-Madaxweynihi hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa loo haystaa falal kala geddisan oo ka dhacay deegaanka Soomaalida oo ay ka mid yihiin dilal, jirdil, barakicin, gooba ganacsi iyo kaniisado lagubay dacwado la xiriira.

8/7/2019 8:45 AM EST
Arbaco,Augusto, 07, 2019 (HOL)- Madaxa xukuumadda dowlad gobolleedka Galmudug dhinaca kalana ah hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca ayaa soo saaray qoraal shaki badan galinaya heshiiskii ay la galleen dowladda federaalka.

8/7/2019 6:02 AM EST
Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)-Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu sheegay in la soo xiray Kalfadhiggii Shanaad ee Golaha Shacabka.

8/7/2019 4:24 AM EST
Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)- Wakiilka Midowga Afrika ahna madaxa howlgalka ciidammada AMISOM, Francisco Madeira ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay beddeleen hab-kooda dagaal.

8/7/2019 3:56 AM EST
Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)- Xukuumadda dalka Thailand ayaa shaaca ka qaadday in toddobaadkan dalkaasi ay ku laaban doonaan ku dhowaad 50 ruux oo u dhashay, kuwaaso ku xayirmay xeebaha ku dhow magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

8/7/2019 3:32 AM EST
Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)- Dowladda Marekanka ayaa sheegtay inay labo laabbayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gacanta lagu siinayo dowladda Soomaaliya iyo diyaarinta ciidamo Soomaaliyeed oo kala wareega AMISOM ammaanka guud ee dalka.

8/7/2019 3:20 AM EST
Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku sugan dalka Koonfur Afrika, halkaa oo uu uga qaybgalay shirka sanadlaha ee guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika.

8/7/2019 1:41 AM EST
Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)- Dowladda Filibiin ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kaddib marki dad gaaraya 622 qof ay u dhinteen xanuunka dengue oo ah cudur ay gudbiso kaneecada teeda dhiddiga ah.

8/7/2019 1:23 AM EST
Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay deegaanno hoostaga gobolka dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadeen militariga dowladda Soomaaliya iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB.

8/7/2019 1:02 AM EST
Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)- Dowladdaha Venezuela iyo Uruguay ayaa uga digay muwaadiniintooda in ay u safraan Mareykanka, kaddib toogashadi dadka badan lagu dilay ee Sabtidi iyo Axadi ka dhacday gobollada Texas iyo Ohio.