4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2019
Marekanka oo xoojinaya taageerada dib u dhiska ciidammada Soomaaliya iyo la-dagaallanka Al-Shabaab

Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)-  Dowladda Marekanka ayaa sheegtay inay labo laabbayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gacanta lagu siinayo dowladda Soomaaliya iyo diyaarinta ciidamo Soomaaliyeed oo kala wareega AMISOM ammaanka guud ee dalka.

Marekanka ayaa warkan sheegay, kaddib kullan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda, David Hale.

Bayaan ay soo saartay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Morgan Ortagus, ayaa lagu sheegay in Hale uu dib u xaqiijiyey ballanta adag ee Mareykanka uu Soomaaliya uga caawinayo dadaallada is-beddellada siyaasadeed, horumarinta dhaqaale iyo xasillooniada.

Marekanka wuxuu ka mid yahay dalalka galbeedka ee dowladda Soomaaliya ka taageera amniga iyo adeegyada horumarka ee dib loogu dhisayo dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]