Arbaco, Augusto, 07, 2019 (HOL)- Dowladda
Filibiin ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kaddib marki dad gaaraya 622 qof
ay u dhinteen xanuunka dengue oo ah cudur ay gudbiso kaneecada teeda dhiddiga
ah.
Wasiirka caafimaadka Filibiin, Francisco Duque
ayaa sheegay, in laga soo billaabo bishi Jannaayo ee sannadkaan ilaa bishi July
la diiwaangeliyay kiisas gaaraya 146,000 qof oo uu ku dhacay cudurka Denga,
taasoo macnaheedu noqoneyso in boqolkiiba 98 uu sare u kacay xowliga uu ku
socdo faafista cudurka marka loo barbar-dhigo sanadki hore.
Wasiirka ayaa intaa ku darray in xaaladda deg deg
ah ay u ogolaaneyso dowladaha hoose ee magaalooyinka, in ay helaan kaalmo deg
deg ah oo ay kula tacaalaan cudurka.
Dhaqaatiirta ayaa sheegay in cudurka Denga uu
leeyahay xumad sarreysa. Sidoo kalana uu qofka ku sababo xanuun ku yimaada kala
goys-yada jirka, matag, nabro kasoo baxa jirka, dhibaato dhanka neefta ah,
dhiig bax iyo qeybo ka mid ah xubnaha jirka oo shaqadooda gaba.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]