4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2019
NISA oo qabatay qof ka tirsan Al-shabaab oo ka qeybqaatay dilkii xoghayihii hore ee gobolka Banaadir

 

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Hay'adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa maanta shaacisay in la qabtay nin "ka qaybqaatay" dilkii Maxamed Amiin Sheekh oo horey uga tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir.

NISA ayaa sheegtay in ninkaasi laga qabtay degmada Yaaqshid ee Muqdishu xalay kadib hawlgal la sameeyey.

NISA waxay sidoo kale soo bandhigtay cajalad muujinaysa qalab ay ka mid yihiin telefoonno, batariyaal, fiilooyin iyo agab kale oo ay muuqato in loo adeegsado qaraxyada.

Ninkan ayaan hay'addu sheegin magaciisa. Hawlgalkan ayaa xalay ka dhacay xaafadda Carafaat ee Yaaqshid.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas'uuliuyadda qarax lagu dilay maalintii Axadda Maxamed Amiin Sheekh oo horay u ahaa xoghayihii Gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]