4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2019
Odayaal isku abaabulay in ay u kala dab-qaadaan dhinacyada isku haya Dhuusa-Mareeb

 

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Odayaal iyo waxgarad ku shiray galinkii danbe ee maanta degmada Dhuusa-Mareeb ayaa bilaabay in ay u kala dab-qaadaan dhinac-yada isku haya Dhuusa-Mareeb ee Ahlu Sunna Waljameeca iyo dowladda Soomaaliya.

Guddi ka kooban 11 xubnood ayey iska xuleen odayaashu, waxeyna guddigaas la kulmi doonaan dhinacyada Ahlu-Sunna iyo dowladda.

Madaxa xukuumadda Galmudug ahna hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Sheekir Cali Xassan ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay in dowladda Soomaaliya ku soo duushay Dhuusa-Mareeb, islamarkaana diyaar u yihiin sida uu hadalka u dhigay in ay iska difaacaan dullaanka, waxaana ay Ahlu Sunna sheegtay in ciidamada la geeyay Dhuusa-Mareeb ay horkacayaan xubno ka tirsan Al-shabaab.

Guud ahaan marka la eego xaalada siyaasadeed ee Dhuusa-Mareeb  ayaa kacsan lamana natiijada ka dhalan karta dadaallada ay wadaan Odayaasha deegaanka ee is abaabulay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]