4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo iyo saanad militari ka dajisay degmada Dhuusa-Mareeb

 

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in saakay ay halkaa ka degeen diyaarado sida ciidamo iyo sanad militari.

Wariye ku sugan degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay  in  ilaa Shan ayaa waxaa sida la sheegay ay sidaan ciidamo ka tirsan kuwa  dowladda iyo saanad ciidan, iyada oo ciidamada ay soo dirtay dowladda Soomaaliya oo ku howlan dhismaha maamulka Galmudug. 

Ciidamadan saakay ka degay Dhuusa-Mareeb ayaa noqonaya qeybtii labaad, waxaana xusid mudan in maalintii shalay degmada Dhuusa-Mareeb laga soo qaaday ciidamo ka tirsanaa Ahlu Sunna oo laga dajiyay magaalada Muqdisho.

Degmada Dhuusa-Mareeb waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda Soomaaliya  iyo mas'uuliyiinta sar sare ee Ahlu Sunna oo saluugsan sida ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso sugida nabad-galyda degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]