4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2019
Madaxweynaha Faransiiska oo ka carooday xushmad darro lagula dhaqmay xaaskiisa

 

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa cambaareeyay dhiggiisa dalka Brazil Jair Bolsonaro, isaga oo sheegay in uu si "qalafsan" uga hadlay marwada koobaad ee Faransiiska.

Qof taageersan madaxweynaha Brazil ayaa ku jeesjeesay xaaska Macron Brigitte oo 66 jir ah, iyadoo qofkaasi uu Facebook-ga soo dhigay qoraal.

Qoraalka Facebook waxaa la socday sawirka xaaska madaxweyne Bolsonaro, Michelle Bolsonaro oo 37 jir ah, kaas oo da' ahaan liddi ku ah midka marwada koobaad ee Faransiiska.

"Hadda waad fahmi kartaa sababta Macron uu sida xun ugula dhaqmayo Bolsonaro?" ayuu qoraalkaasi ahaa.

Bolsonaro oo arrintaas ka falcelinaya ayaa ku hoos qoray "nin yohow waji gabax ha ku ridin…, ha ha oo uu qosol ahaan ka wado ayuu ku sii daray isaga oo luuqadda boortaqiiska adeegsanaya.

Macron ayaa la waydiiyay sida uu u arko qoraalka Bolsonaro, wuxuuna ku jawaabay "waa arrin aad u qalafsan" oo murugo leh".

 

"Arrin xushmad darro ah ayuu ka yiri xaaskayga. Dadka reer Brazil ixtiraam badan ayaan u hayaa, waxa kali ah een samayn karana waa in aan u rajeeyo in ay durba helaan madaxweyne hawsha u taalla qabsada," ayuu yiri Macron oo ka hadlay shir jaraa'id oo uu ku qabtay kulanka dalalka G7 ee ka socda magaalada Biarritz.

Hadallada ay is dhaafsadeen ayaa muujinaya kala fogaanshaha Macron iyo Biarritz ka dib markii uu soo kala dhexgalay khilaaf dublamaasiyadeed oo ka billawday dabka ka kacaya kaymaha Amazon.

Macron ayaa hor kacaya qorshe uu ku doonayo in hoggaamiyeyaasha caalamku ay wax uga qabtaan dadba ka baabi'inaya qaybo ka mid ah kaymaha Amazon.

Macron ayaa dabkaas ku tilmaamay "mashaakil caalami ah" dabkaas oo dadka dhaliishan ay ku eedeeyeen Bolsonaro iyaga oo sheegay in uu ka soo horjeedo arrimaha deegaanka isla markaasna uusan wax ka qabanayn jaridda kaymaha.

Balse Bolsonaro oo dalkiisu uusan ka mid ahayn dalalka G7 ayaa Macron ku eedeeyay "in uu u fikirayo sidii gumayste".

Madaxweynaha Brazil oo siyaasaddiisu garabka midig tahay ayaa leh taariikh dheer oo ku saabsan wax ka sheegidda dumarka, dadka madaw iyo qolyaha laga tirada badan yahay.

Hadallada laga quruxda badan yahay ee uu yiri waxaa ka mid ahaa midkii uu ugu jawaabay xildhibaanad Maria do Rosario bishii Sabteembar ee sannadkii 2014, iyadoo baarlamaanka ay ka socotay dood kululaatay.

"Kuma kufsadeen, sababtuna waxay tahay uma qalantid," ayuu Bolsonaro ku yiri Maria.

Bolsonaro ayaa sidoo kale guux dhaliyay sannadkii 2017 isaga oo meel fagaare ah ka hadlaya ayuuna soo hadal qaaday gabadha uu dhalay. Wuxuu yiri "Waxaan dhalay afar wiil, intaas ka dibna waan nuglaaday oo ilmihii shanaad gabadh ayuu iga noqday".

Xigasho BBC