3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2019
Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay joojisay qaadista dacwooyinka la xiriira dhulka

 

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba ay joojiyeen qaadista dacwooyinka la xiriira muranka dhulka ee ka dhaxeeya bulshada ku dhaqan deegaannada uu maamulku ka arimiyo

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed  Cabdi Wahaab Cabdullaahi Maxamuud ayaa sheegay in ay iyadoo la fulinayo  Amarkii Madaxweynaha Koonfur  Galbeed Cabdi Casiis Xassan Maxamed Laftagareen ay hakiyeen dacwadaha la  xiriira dhinaca dhulka ilaa iyo inta laga gaarayo xal waara maadaama ay  soo bateen is-qabqabsiga dhinaca dhulalka ah.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in wasaaradda Cadaaladda Koonfur Galbed ay ka go’an tahay in la helo Garsoor Cadaalad ah,kaas oo si wanaagsan ugu adeega Bulsahda ku nool deegaannada Koonfur Galbeed. 

Muranka la xiriira dhulka ayaa deegaannada Koonfur Galbeed dhaxdooda ka abuuray dagaalo dhaxmara beelaha waxaana iska horimaadkii ugu danbeeyay ee ka dhashay is qabqabsiga dhulka ku dhintay dad shacab ah oo uu ka mid ahaa Aqoonyahan Cali Marguus oo caan ka ahaa guud ahaan deegannada Koonfur Galbeed. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 

 













Click here
8/27/2019 2:48 PM EST
Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Hay'adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa maanta shaacisay in la qabtay nin "ka qaybqaatay" dilkii Maxamed Amiin Sheekh oo horey uga tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir.

8/27/2019 2:19 PM EST
Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Odayaal iyo waxgarad ku shiray galinkii danbe ee maanta degmada Dhuusa-Mareeb ayaa bilaabay in ay u kala dab-qaadaan dhinacyada isku haya Dhuusa-Mareeb ee Ahlu Sunna Waljameeca iyo dowladda Soomaaliya.

8/27/2019 10:00 AM EST
Waxaa Magaaladda Columbus ee gobolka Ohio lagu soo dhaweeyey Xildhibaan Sulaymaan Maxamed Xaashi (Xuub Sireed) ahna Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran dalka Soomaaliya, Xildhibaanka oo baryahaan hadafka xisbiga u sharaxaayey qurbojoogta Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerica,waxuuna hore kulan ugu qabtay Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota

8/27/2019 9:20 AM EST
Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)- Qoraal goor dhaw ka soo baxay hoggaanka sare ee Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ku soo duushay deegaannada maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

8/27/2019 8:20 AM EST
Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre Oo kulan la qaatay wasiir ku-xigeenka Maaliyadda,Guddoonka Baniga Dhexe iyo xisaabiyaha guud

8/27/2019 7:49 AM EST
Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya ciidamo ka tirsan dowladda kuwa AMISOM Al-Shabaab.

8/27/2019 3:16 AM EST
Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)- Shirkii 4-aad ee madasha guddiyada Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dowlad-gobolleed ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, kaaso shalay si rasmi ah u furmay.

8/27/2019 2:54 AM EST
Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in saakay ay halkaa ka degeen diyaarado sida ciidamo iyo sanad militari

8/27/2019 1:47 AM EST
Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa cambaareeyay dhiggiisa dalka Brazil Jair Bolsonaro, isaga oo sheegay in uu si "qalafsan" uga hadlay marwada koobaad ee Faransiiska.

8/27/2019 1:19 AM EST
Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa shir soconaya sadex maalmood ka furay magaalada Muqdisho, waxaana shirka ka soo qayb galay maamulada Puntland, Hirshabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir, iyadoona shirka looga xaajooday sidii loo adkayn lahaa xariirka ka dhaxeeya Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka iyo hantidhawrada maamul goboleedyada.