7/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2019
Maxkamadda sare ee Puntland oo xukun dil ah ku ridday saddex nin oo ku eedeysnaa kufsiga iyo dilka gabar 12 jir

Khamiis, Augusto, 22, 2019 (HOL)-Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku ridday saddex nin oo horey xukunkaa loogu ridday, kuwaaso ku eedeysnaa kufsiga iyo dilka gabar 12 jir ah.

Raggan oo labo ka mid ah ay yihiin walaalo ayaa lagu kala magacaaba; Cabdishakuur Maxamed Dige , Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Cabdifitaax oo 24 jir ah, ayaa fadhiga koowaad ee maxkamadda sare wuxuu ka hor qirtay inuu fara xumeeyay gabadhaa 12 jirka ah , balse wuxuu beeniyay inuu door ku lahaa geerida gabadha.

Cabdishakuur oo isna 48 jir ah , kaaso kufsiga iyo afduubka iyo dilka lagu soo ooggay ayaa iska fogeeyay dhammaan eedeymaha , wallow dheecaano la qaadday laga helay inuu lafalgalay.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay markii raggan ay labo jeer racfaan ka qaateen xukunkan oo ay horey ugu ridday maxkamadda gobolka Nugaal oo ay ku raacday midda racfaanka ee gobolka.

Marxuun Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd ayaa bishii February ee sannadkan, waxaa falkan foosha xun loogu geystay magaalada Gaalkacyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]