Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saakay ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Baydhabo, halkaasoo saldhig ay ku leeyihiin ciidamo ka tirsan militari Soomaaliya.
Dagaal ayaa yimid kaddib markii Al-shabaab
ay weerar dhowr jiho ku qaaday deegaankaas, iyadoo labada dhinac uu dhex maray dagaal muddo socday oo la isu adeegsaday hubka nooc-yadiisa kala duwan.
Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab
ay weerar dhowr jiho ku qaaday deegaankaas, iyadoo labada dhinac uu
dhex maray dagaal muddo socday oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa
kala duwan.
Goobjoogayaal ayaa sheegay Al-Shabaab ay muddo kooban la wareegeen deegaanka, halka warar kalena ay sheegayaan in dib looga saaray deegaanka.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraray saldhiga ciidamada ku
leeyihiin deegaanka Daynuunay, waxaana deegaankan muddooyinkii u
dambeeyay uu marti u ahaa weerarada Al-Shabaab ku qaadayeen.
Deegaanka
Daynuunaay ayaa ah deegaan muhiim u ah ammaanka magaalada Baydhabo, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada xoogga dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]