4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2019
Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug oo 17ka bishan ka furmaya Dhuusa-Mareeb

 

Arbaco, Augusto, 14, 219 (HOL)-Magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in 17ka bishan uu ka furmo shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug.

Ergadii ugu horeysay oo Dhuusa-Mareeb gaartay ayaa waxaa qaabilay  xubnaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, iyaga  oo kala hadlay sidii uu si wanaagsan ugu qabsoomi lahaa shirka.

Odayaasha iyo Waxgaradka Magaalooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Guriceel  ayaa waxaa ay ka dalbadeen Odayaasha Dhaqanka ee degmooyinka kale in ay  shirkaasi ka qeyb galaan,isla markaana uu muhiim u yahay danta dadka ku  nool deegaannada Galmudug.

Ammaanka magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana magaalada si wadajir ah Ammaanka u sugaya ciidamada Militariga, Nabadsugida iyo Booliiska Soomaaliya oo dhawaan halkaasi la geeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]