3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2019
Colaad Ceel-Afweyn dib uga bilaabantay oo dad dumar u badan ku dhinteen

 

Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)-Shan qof ayaa hada la ogyahay oo sadex ka mid ah ay dumar yihiin ayaa ka dhashay weerar hubaysan oo ka dhacay magaalada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Kooxda weerarka geystey ayaa la sheegayaa in ay tahay mid ka mid ah laba beelood oo dagaal soo jiitamey degaankaasi ku dhexmaray, iyadoo dadka dhintayna ay hal beel ka soo wada jeedaan.
 
"Dadka  dhintay waa 5 ruux 4na waa dhaawac, xaalada degaankana hada ciidanka  ayaa gacanta ku haya, kuwii falka geysteyna waa lagu daba jiraa" sidaa  waxaa yidhi Maayarka Ceel-afweyn Cabdikariin Aw Yuusuf Axmed.
 
Xaalada  degaanada labada beelood wada degaan ayaa laga cabsi qabaa in markale  dagaal baahsan uu ka bilaabmo, iyadoo ay weli socdaan dadaalo dhawr jeer  burburay in dabaqabasho lagu sameeyo.
 
Seynab Cabdi Warsame
 
 













Click here
8/12/2019 4:12 PM EST
Isniin, August, 12, 2019 (HOL) –Guddiga xuduuddaha iyo doorashooyinka dowlad-gobolleedka Jubbaland ayaa goor dhow shaaciyay liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland.

8/12/2019 2:59 PM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay warar sheegaya in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo iyaga oo ku sugan magaalada Makka aan wali gudan waajibaadkii xajka.

8/12/2019 11:35 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)-Shan qof oo saddex haween yihiin, labana rag yihin ayaa maanta lagu dilay magaaladda Ceel-afweyn ka dib marka dabley beeleysani soo weerareen dad shacab ah ku dileen magaaladda.

8/12/2019 9:34 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)–Nin u dhashay dalka Kenya ayaa maanta lagu dilay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, sida ay booliska sheegeen.

8/12/2019 7:57 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)–Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay magaalada dekedda leh ee Boosaaso, sida ay saraakiisha sheegeen.

8/12/2019 7:31 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xassan Maxamed Laftagareen aya guddigu saaray dadkii dhawaan lagu dilay dulleedka magaalada Beydhabo.

8/12/2019 5:04 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)-Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgal weli ka wadaan deegaano duleedka ka ah degmada Awdheegle oo dhawaan Ciidamada Dowladda la wareegeen.

8/12/2019 3:02 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)– Kursi ka mid ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ku loolamaya dalalka Kenya iyo Jabuuti ee bariga qaaradda Afrika.

8/12/2019 2:46 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)– Ciidammada milatariga Soomaaliya ayaa toddobaadyadii u dambeeyay howlgallo ka waday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ee koonfurta dalka.

8/12/2019 2:16 AM EST
Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)– 18 shaqaale ajaaniib ah oo lagu haystay biyaha bariga Soomaaliya ayaa maanta dib ugu laabtey dalkooda.