4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2019
Dabley beelaysan oo weerar ku qaaday dad shacab ah oo jooga magaaladda Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag

 

Isniin, August, 12,  2019 (HOL) – Shan qof oo saddex haween yihiin, labana rag yihin ayaa maanta lagu dilay magaaladda Ceel-afweyn ka dib marka dabley beeleysani soo weerareen dad shacab ah ku dileen magaaladda.

Sidoo kale afar kale ayaa weerarkaasi lagu dhaawacay, waxaanay arrintani ka dambeyay beelihii deegaankan ku dirirsanaa oo mid ka mid ahi weerarkani soo qaaday, taas oo dhibaatadan gaysatay.

Maayarka magaaladda Ceel AF-weyn Cabdirixiim Aw Yuusuf Axmed ayaa sheegay in markii dablaydaasi weerarka soo qaaday ay ciidamadii goobta joogay kala eryeen, isla markaana ku daba jiraan dablaydii weerarka soo qaaday.

“saddex dumar ah iyo laba nin ayaa dhintay, illaa afar qofna waa dhaawac, ciidamaduna way soo kala dhexgaleen, qoladii weerarka soo qaadayna daba gal bay ku wadaan.”ayuu yidhi maayarka Ceel AFweyn oo dhibatadda ka hadlayey.

Dagaalo beeleedyada iyo in kolba beel dad beel kale ah ku layso deegaanka ayaa soo badanaysa, illa haddana xal waara looma helin sidii dagaalkaasi loo joojin lahaa, inkastoo marar badan la isku dayey in dagaalkaasi soo noqnoqday la joojiyo hadana sidiii la rabay uma dhicin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.