4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2019
Nin Kenyan ah oo lagu dilay magaalada Boosaaso

Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)–Nin u dhashay dalka Kenya ayaa maanta lagu dilay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, sida ay booliska sheegeen.

Ninkan ayaa ka shaqeynayey shirkadda kalluumaysiga Ocean, waxaana dilkiisa gaystay askari ka mid ahaa ilaalada shirkadda.

Taliyaha booliska qeybta gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud , ayaa sheegay ciidammada amniga inay gacanta ku dhigeen ninkii dilka gaystay.

“Hay’addaha baarista ayaa lagu wareejiyay ninka dilka geystay, iyaga ayaana sababta dilka ka dambeysay baaraya.” ayuu yiri taliyaha qaybta booliska.

Magaca ninka Kenyanka ah ee geeriyooday iyo macluumad dheeraad ah lama soo bandhigin, waxaana deegaannada Puntland howlo shaqo u jooga ajaanib u badan kuwo ka soo jeeda dalka Kenya.

Iman Mohamed Jama , Hiiraan Online
[email protected]