4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2019
Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)–Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay magaalada dekedda leh ee Boosaaso, sida ay saraakiisha sheegeen.

Qaraxa ayaa lala eegtay Gaari ay la socdeen ciidammada amniga ee gobolka Bari, iyada oo wararka laga helay qaraxa ay sheegeen inuu ahaa miinada dhulka la galiyo.

Ciidammada amniga oo goobta gaaray ayaa billaabay baaritaanno, balse ma jirto warbixin ka soo baxday hay’addaha amniga oo looga hadlay qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa miino.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]