Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya wali sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab qeybo ka mid ah deegaannada hoos taga degmada Awdheegle oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada,
Saraakiisha ciidamada ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariirre iyo Awdheegle howlgalka ay ka wadaan,islamarkaana ay kula wareegeen deegaano hor leh iyaga oo dilay tiro badan oo ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.
Taliyaha ciidammada dhulka Janeraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalkaas looga gol leeyahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay weli kaga sugan yihiin Gobolkaeasi Shabeellaha hoose.
Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose Aadan Ibraahim Cali Najax ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in marnaba ciidamada dowladda ay joojin doonin holwgalkaas ilaa iyo inta ay dhamaan gobolka Shabeellaha hoose ka saaraayaan Al-Shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]