4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2019
Maamulka gobolka Shabeellaha hoose oo ka hadlay howlgallada ciidammada xoogga

Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)–  Ciidammada milatariga Soomaaliya ayaa toddobaadyadii u dambeeyay howlgallo ka waday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ee koonfurta dalka.

Guddoomiyaha gobolka, Ibraahim Aadan Cali oo howlgallada ka hadlay wuxuu sheegay in lagu doonayo sidii lagu xasillin lahaa gobolka oo looga saari lahaa kooxda Al-Shabaab deegaannada ay kaga suganyihiin.

Wuxuu usoo jeediyay dadka ku nool gobolka, inay si dhow ula shaqeeyaan ciidammada milatariga ee  howlgallada qorsheysan wada.

Ciidammada dowladda waxay dhowaan la wareegeen degmada Awdheegle iyo tuulooyin hoostaga, balse ururka Al-Shabaab ee dagaalka ka wada dalka waxaa wali gacanta ugu jira deegaannada muhiim ah oo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]