4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2019
Ajaaniib lagu haystay xeebaha Puntland oo dalkoodii lagu celiyay

Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)– 18 shaqaale ajaaniib ah oo lagu haystay biyaha bariga Soomaaliya ayaa maanta dib ugu laabtey dalkooda.

Shaqaalahan ayaa dhammaantood ahaa kalluumaysato  u dhalatay dalka Thailand ee qaaradda Aasiya, iyada oo 14 kale oo ka mid ahaa shaqaalaha ku xanib-may xeebaha bariga Soomaaliya gaar ahaan biyaha u teedsan magaalada Boosaaso ay ku suganyihiin magaalada Dubai, kuwaas oo lagu wado inay iyaguna gaaraan dalkooda, waxaa ay sugayaan 4 xubnood oo kale oo ay shaqo wadaag yihiin.

Raggan ayaa la sheegay inay la socdeen Doon kalluumeysi oo magaceeda lagu sheegay Wadani 1, waxaana la xusay inay tacadi dhanka shaqada ah la kulmi jireen muddadii ay ku xanib-naayeen xeebaha ku dhow magaalada Boosaaso, sida uu ku warramay wargeyska  Bangkokpost.

Dib u celinta shaqaalahan kalluumaysi ayaa waxaa gacan ka geysatay xukuumadda Puntland, maaddama xeebaha ku teedsan magaalada Boosaaso lagu haystay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]