4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2019
57 ruux oo ku dhimatay qarax ka dhashay Booyad Shidaal dalka Tanzania

 

Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)-Inta la xaqiijinayo 57 ruux ayaa u dhimatay qarax ka dhashay dab ka kacay Booyad shidaal dalka  Tanzania

Taliyaha booliska gobolka Morogoro, Wilbroad Mutafungwa ayaa sheegay  in goobta ay ka qaadeen 57 ruux, waxaana sidoo kale la arkayay Sawiro la  soo dhigay Baraha Bulshada holaca dabka oo goobo kala duwan ku faafay  iyo burburka Booyada.

Warbaahinada qaarkood ayaa tebinaya in booyada ay markii hore dadka isku dayeen inay boobaan shidaalka saran,kadib markii ay rogmatay,hayeeshee markii dambe ay qaraxday.

Magaalada uu shilkan ka dhacay ayaa marin muhiim ah u ah gaadiidka waaweyn ee shidaalka kasoo qaada dekedda Dar es Salaam, oo ah magaalada ganacsiga ee waddankaas.

Dhacdadaan ay dadka badan ku dhinteen ee dalka Tanzania  ayaa kusoo aadeysa xilli Bishii lasoo dhaafay, ugu yaraan 45 ruux ayaa ku dhintay booyad ku qaraxday gobolka Benue ee waqooyiga dalka Nigeria.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]