3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2019
Al-shabaab oo markii ugu horeysay weerar Ismiidaamin ah u adeegsatay Qof Dumar ah oo Aragga'La

 

Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda ay Qarramada Midoobey ay taageerto ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay weerarkii 24kii July ka dhacay xarunta gobolka Banaadir waxaa ay u adeegsadeen qof dumar ah oo Aragga'La.

Guddoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow horeyna uga soo shaqeeyay Xisbiga Labour Party magaalada London ee dalka Britain ayaa ugu geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarka Isbitaal ku yaala magaalada Doha ee dalka Qatar, waxaa sidoo kale goobta uu weerarkan ka dhacay ku dhintay qaar ka mid ah guddoomiyayaashii gobolka Banaadir iyo agaasimo waaxeed-yo shir kula jiray guddoomiyaha.

Waxey aheyd markii ugu horeysay oo ay Al-shabaab weerar noocan oo kale ah u adeegsadaan qof dumar ah oo naafo ah, waxaana warbixin ka soo baxday dowladda lagu sheegay in gabadhan is qarxisay ka faa'ideysatay sida hadalka loo dhigay caadifadda iyo naxariista looga hayay gudaha xarunta maadaama ay aheyd qof aan waxba arki karin.

Waxaan la ogeyn ilaa iyo hadda halka ay ku sugan tahay gabar kale oo la sheegay in ay kaaliye u aheyd gabadha is qarxisay, balse hay'addaha amaanka qaarkood ayaa rumeysan in ay u baxsatay dhinaca deegaannada ay maamulaan Al-shabaab.

Dadka Aragga La ama guud ahaanba naafadda ah kuma badna inta badan shaqaalaha ama xarumaha dowladda sida ay horey wareysi laga qaaday ay ugu sheegtay Basiira oo ah gabadha ku eedeysan in ay ka danbeysay weerarkii dowladda Hoose ee Xamar.

Waxey wareysigaa ku sheegtay in ay gobolka Banaadir u qaabilsan tahay xiriirka dadka baahiyaha gaarka ah qaba, inta badanna ay kala hadasho mas'uuliyiinta maamulka gobolka sidii ay dadkaasi u heli lahaayeen xuquuqda ay u leeyihiin in ay ka dhax muuqdaan hay'addaha kala duwan ee dowladda,

Labadan gabdhood oo ahaa saaxiibo isku dhaw ayaa la sheegay in ay qaateen dhowr bilood ka hor fasax isku mid ah, laakiin lama ogeyn halka ay fasax u qaateen, waxaana loo maleynayaa in ay waqtigaa tageen deegaannada ay maamulaan xoogagga Al-shabaab,

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo ka faa'ideysaneysa in ay tahay qof naafo ah gabadhan dhanka kale cadaawad kula dhaqantay madaxda dowladda gaar ahaan mas'uuliyiinta xaruntii ay ka shaqeyneysay ee gobolka Banaadir.

Ururka Al-shabaab wali iyagu kama aysan hadlin sida uu u dhacay weerarkii gobolka Banaadir iyo cidda geystay madaama inta badan lagu yaqaanno in ay soo bandhigaan magaca, deegaanka uu ka soo jeedo iyo xitaa mar marka qaar qabiilka uu u dhashay qofka fuliya weerarrada Ismiidaaminta ah oo ay ku beegsadaan xarumaha ciidamada iyo dowladda intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 


 













Click here
8/10/2019 2:57 PM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

8/10/2019 2:22 PM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)- Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,halkaa oo ay si wadajir ah ugu soo dhaweeyeen guddoomiyeyaasha gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, odayaasha dhaqanka ee gobolka, waxgarad, dhallinyaro, haween iyo qaybaha bulshada.

8/10/2019 10:37 AM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)-Inta la xaqiijinayo 57 ruux ayaa u dhimatay qarax ka dhashay dab ka kacay Booyad shidaal dalka Tanzania

8/10/2019 6:21 AM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)-Waxaa lasoo gabagabeeyay diyaargarowgii Ciidda ee magaalada Jigjiga dhanka nabadgalyada oo aad loo adkeeyay sida uu Warbaahinta u sheegay Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska DDS Maxamed Cali Xasan.

8/10/2019 2:22 AM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka war-hayaan qaar ka mid ah sharkaddihii loogu tala-galay in ay dabaabulaan xujeyda Soomaaliyeed si qaldan adeegyadii lagama maar—maanka u ahaa qofka xaajiga ah.

8/10/2019 2:11 AM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)-Xisbiga hoggaamiya tallada dalka Ethiopia ee EPRDF ayaa ku dhowaaqay Jimcihii shalay in doorasho guud ay ka dhici doonto dalka Ethiopia sanadka soo socda.

8/10/2019 1:41 AM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa amar ku bixiyay in aan wax hub ah lagu dhax qaadan karin magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

8/10/2019 1:29 AM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)- Soomaalida sanadkan xajineysa ayaa saakay ka soo ambabaxay degaanka Mina iyaga oo ku soo jiheystay degaanka Carrafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan xajka.