4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2019
Ammaanka Jigjiga oo aad loo adkeeyay Ciidda awgeed

 

Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)-Waxaa lasoo gabagabeeyay diyaargarowgii Ciidda ee magaalada Jigjiga dhanka nabadgalyada oo aad loo adkeeyay sida uu Warbaahinta u sheegay Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska DDS Maxamed Cali Xassan.

Taliyaha ayaa sidoo kale dadka salaadda Ciidda imaanaya u sheegay waxyaabaha lala soo gali karo goobta lagu tukanayo Ciidda iyo waxa aan lala imaankarin, sida wax kasta oo qof mudi kara sida Mindida oo kale, Bakooradaha iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa kamid ah waxyaabaha aan Salaadda Ciidda lala imaankarin. Waxaana la fasaxay Mobilka shidan iyo wixii aan dhib keenayn.

Intii isbaddalka ka horeysay waxaa dhici jirtay in salaadda Ciidda aan haba yaraatee waxba loosoo qaadan jirin xitaa Mobileka balse isbaddalkii kaddib dadkii xoriyad ayaa lasiiyay taas oo keentay in Munaasabadaha sida Ciidaha uu qofku goobta Ciidda lagu xusayo uu usoo qaato Mobilkiisa iyo wixii lamid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]