4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2019
Magaalada Baydhabo oo laga mamnuucay in hubka lagu dhaxqaato

 

Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa amar ku bixiyay in aan wax hub ah lagu dhax qaadan karin magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ciidamada laga doonayo in ay taggan saldhigyadda ay ku leeyihiin duleedka Magaalada iyo sidoo kale furaha dagaalka.

Isaga oo ka hadlayay dilkii maalintii shalay ka dhacay dulleedka Baydhabo ayuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo qaban doono kuwii ka danbeeyay, islamarkaana ciidamadu bilaabeen howlgal lagu baadi-goobayo dadkaasi.

Dadka shalay lagu dilay Baydhabo ayaa gaaraya ilaa 9 ruux waxaa ka mid ah Cali Aadan Marguus oo ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee Soomaaliyeed, dhinaca kalana ahaa siyaasi siweyn looga garanayay deegaannada Koonfur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]