4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2019
Warbixin kooban doorkii Siyaasadda ee Alle ha u naxariisteen Eng Yariisoow

 

Khamiis, Augusto, 01 2019 (HOL)- Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Alle ha u naxariisteen Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow waxaa uu siyaasada dalka ku soo jiray si toos ah laga soo bilaabo 2006dii, waxaana uu ku noolaa waqtigaa magaalada London ee dalka Britain.

Ku dhawaad 13 sanadood oo toos ah ayuu siyaasadda iyo dowladdihii dalka isaga danbeeyay siyaabo kala duwan ula soo shaqeeyay, isaga oo soo qabtay xilalka, Labo Wasiir, Afhayeenkii madaxtooyada Soomaaliya iyo La taliye sare oo dhinaca warbaahinta.

Maanta ayuu ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qatar oo loo qaaday Khamiistii toddobaadkii hore kaddib markii uu dhaawac culus soo gaaray weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, waxaana weerarkaa ku dhintay saddex guddoomiye degmo, saddex Agaasime iyo waliba la taliye sare oo dhinaca sharciga.

Xilalka uu soo qabtay Yariisoow mudadii uu siyaasadda ku soo jiray waxaa ka mid ahaa Wasiirkii Lacagta iyo Wasiirka Warfaafinta, sidoo kale waxaa uu la taliye sare oo dhinaca Warbaahinta uu u ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Inta aan loo magacaabin guddoomiyaha gobolka Banaadir oo uu hadda ahaa waxaa uu dowladda uu hoggaamiyo Xassan Cali Kheyre ka soo noqday Wasiirka Warfaafinta.

Wuxuu billaabay in arrimaha siyaasadda uu ka shaqeeyo xilligii uu ku noolaa magaalada London ee dalka Britain.

Wuxuu sannadkii 1986-dii ka qalanjebiyay jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, isagoo bartay culuumta handasada.

Markii uu jaamacadda dhammeeyay illaa sannadkii 1991 wuxuu ka shaqeeyay Wasaaraddii howlaha guud iyo guriyeynta iyo wasaaraddii Maaliyadda oo uu u ahaa Injineer iyo maamule mashaariic.

Intii uu London ku sugnaa, Eng. Yariisow wuxuu bartay maareynta ganacsiga, culuumta kumbuutarada iyo maamulka iyo maareynta guriyeynta oo 2004 uu shahaadada mastarka ka qaatay jaamacadda Westminster.

Wuxuu London ka noqday hoggamiye bulsho iyo Maamule iskuullo. Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa qabanqaabiyihii kulankii weynaa ee qurba joogta Soomaalida UK ee 2007-dii lagu qabtay magaalada Leicester.

Wuxuu noqday guddoomiyihii ururka u dooda xuquuqda Soomaalida UK ee Somali Concern Group, muddadii u dhexeysay 2004 illaa 2008.

Dadka sida dhaw ula shaqeeyay Yariisoow ee aqoonta wanaagsan ulaa waxaa ay ku si sifeeyeen in uu ahaa shaqsi deggan oo kalsoonaan in uu ka shaqeeyo dalka waqti adag, waxaana uu siyaabo kala duwan ula jaanqaaday dowladihii dalka isaga danbeeyay, taasoo muujineysa sida uu ugu wanaagsanaa ku shaqeynta hadba marxalada la joogo ee siyaasadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]