4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2019
Guddoomiye Cabdiraxmaan Yariisow oo geeriyooday

Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)-  Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Qatar, sida ay xaqiijisay wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaradaha Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Allaha u naxaristo, Cabdiraxmaan Yariisow ayaa u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qarax ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir maalintii Arbacadda ee toddobaadkii hore.

Marxuun Eng Yariisow, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Taariikhda Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan eng Yariisoow

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow waxa uu ku dhushay degmada Hodan ee gobolka Benaadir 16kii August 1965kii.

Waxbarashadiisa dugsi hoose,dhexe iyo sare waxa uu kaga baxay Banadir Secondary School, isagoo sidoo kalena ka qalin jebiyey jaamacadda Gaheyr ,kuliyadda Civil Engineer sanadkii 1986kii.

Shaqooyinkii uusoo qabtay

Dowlada Hoose ee London intii u dhaxeysay sanadihii 2000 ilaa 2003

Waxa uu noqday shir guddoonka kooxdii Somali Concern Group intii u dhaxeysay May 2004 ilaa October 2008

Waxa uu noqday Madaxa Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dowladdii KMGka aheyd intii u dhaxeysay October 2008 ilaa February 2009

Waxa uu noqday Agaasimihii Hab Maamuuska Xafiiska Madaxweynaha intii u dhaxeysay February 2009 ilaa August 2009

August 2009 waxaa loo magacaabay Wasiirka Lacagta Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkiisana hayey ilaa July 2010

July 2010 waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Dowladdii KMGka aheyd isagoo xilkaasina hayey ilaa December 2010

3 December 2010 Waxaa loo magacaabay La taliye sare oo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo afhayeenkii Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkaasina hayey ilaa 19kii June 2012
20kii June 2012 Waxa uu noqday Agaasimihii Radio Barkulan isaga oo xilkaasina hayey ilaa 25kii April 2013

26kii April 2013 waxaa loo magacaabay la taliye sare iyo Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya isaga oo shaqadaasina hayey ilaa 23kii April 2014

Intii u dhaxeysay 24kii April 2014 ilaa 21kii March 2017 waxa uu ahaa la taliye sare oo dowladda Soomaaliye kala taliya Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

21kii March 2017 waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya

21kii January 2018 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho

Waxa uu ifka uga tagay 7 carruur ah (2 wiil iyo 5 gabdhood, maanta oo ay taariikhdu tahay 01 August 2019 ayuuna ku geeriyooday magaalada Doha ee Dalka Qatar .

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]