4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2019
Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay eedeysane Aadan Maxamed Cali

 

Khamiis, Augusto, 01, 2019 (HOL)-Aadan Maxamed Cali oo ka tirsanaa Daacish ayaa lagu Xukumay Dil Toogasha ah, kadib markii Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ku heshay inuu geystay dilal ka kala dhacay Boosaaso iyo Muqdisho. 

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo saaka ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in Aadan Maxamed Cali lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda Daacish, dilal badana ka geystay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso kuwasoo u dhacay sidan soo socota; 

1- Taariikhdu markay ahayd 24/09/2018 , wuxuua magaalada  Boosaaso ku dilay ExMarxuum L/x/le Axmed Hurfe Jaamac Barre oo ahaa  Taliyahii Gaadiidka Madaxtooyada Puntland.

2- Taariikhdu markay ahayd 25/10/2018, wuxuu sidoo kale Magaalada  Boosaaso ku dilay Marxuum C/raxmaan  Aadan Cali oo ahaa ganacsade sharaab ku iibin jiray Boosaaso.

3-Taariikhdu markay ahayd 19/01/2019 waxay isaga 2 ruuxoo kale degmada H/wadaag  ee magaalada Muqdisho  ku dileen labo marxuum oo lagu kala magacaabi jiray       (Axmed Shiikhaal)iyo Marxuum C/laahi Muxumed Cali (C/laahi dheere).

4-Taariikhdu markay ahayd 27/01/2019 waxay degmadaYaaqshiid ku dileen marxum Ex-D/le Axmed  Cabdi Xuseen, iyadoo ciidamada amnigu ay soo qabteen kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray fulinta dilka marxuumka.

Eedaysnaha 2aadC/Shakuur Xaaji Barsanji oo horay loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish isla markaana gacansiinayay danbiilaha koowaad ee dilka lagu xukumay, ayaa Maxkamadda darajada koowaad ee C.Q.S amartay in xabsiga laga sii daayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]