3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2019
Madaxweyne Farmaajo oo celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay Marekanka

Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)- Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa goor dhow shaacisay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Marekanka.

“Howshan waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku howlanaayeen sharciya-qaanno iyo xafiisyadda qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Marekanka.” ayaa lagu yiri bayaan ay baahisay madaxtooyadda Soomaaliya.

Go’ankan wuxuu ka dhigaya madaxweyne Farmaajo - madaxweynihii u horreeyay ee isagoo xil haya dib u celiya jinsiyaddiisa labaad.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]















Click here
8/1/2019 3:01 PM EST
Khamiis, Augusto, 01 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Guddi ka kooban Afar iyo Toban Xubnood u magacaabay Aaska Qaranka ee loo sameynayo Guddoomiyahii gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo maanta ku geeriyooday dalka Qatar, Waxaana guddigaan guddoomiye u ah Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka XFS.

8/1/2019 12:31 PM EST
Khamiis, Augusto, 01 2019 (HOL)- Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Alle ha u naxariisteen Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow waxaa uu siyaasada dalka ku soo jiray si toos ah laga soo bilaabo 2006dii, waxaana uu ku noolaa waqtigaa magaalada London ee dalka Britain.

8/1/2019 11:52 AM EST
Khamiis, Augusto, 01 2019 (HOL)- Kulanka oo isugu jiray tacsi loo dirayo eheladda dadkii ku dhintay qaraxii toddobaadkii hore ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir iyo maqaamka caasimada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay, xildhibaanno, odayaal dhaqameed waxgarad ka soo jeeda gobolka Banaadir.

8/1/2019 10:31 AM EST
Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka kooban golaha wasiirrada oo ka shaqeynaya aaska guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ku geeriyooday Isbitaal kuyaala magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

8/1/2019 10:16 AM EST
Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow) oo goor dhaw ku geeriyooday dalka Qatar.


8/1/2019 8:31 AM EST
Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)- Dowlad-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa maanta u dabaal-deggay sannad-guurradii 21aad ee ka soo wareegatay xilligii la aas aasay.

8/1/2019 6:21 AM EST
Khamiis, Augusto, 01, 2019 (HOL)-Aadan Maxamed Cali oo ka tirsanaa Daacish ayaa lagu Xukumay Dil Toogasha ah, kadib markii Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ku heshay inuu geystay dilal ka kala dhacay Boosaaso iyo Muqdisho.

8/1/2019 4:27 AM EST
Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Dowlad Gobaleedka Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 1da August oo ku beegan 21 sano guurada kasoo wareegtay maalintii dhidibada loo taagay.

8/1/2019 4:14 AM EST
Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)- Deegaannada Puntland ayaa maanta looga dabaal-deggaya xilligii la aasaasay dowlad-gobolleedka.

8/1/2019 2:00 AM EST
Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa ugu baaqay laamaha Amniga Jubbaland in jawaaab deg deg ah laga bixiyo sida uu hadalka u dhigay dilka Suldaan Rashiid Dhurre.

8/1/2019 1:31 AM EST
Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)- Wasiirka Gaashandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali, ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyay cutubka ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga

8/1/2019 1:21 AM EST
Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaliya ayaa sheegayaa in saacadihii ugu danbeeyay uu halkaa dagaal culus ku dhaxmaray xoogag taabacsan Mukhtaar Rooboow iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.