Sabti, April, 20, 2019 (HOL) – Wariyeyaasha
madax banaan ee Somaliland ayaa ka si weyn uga hor yimid guddi ay wada jir u
magacaabeen wasaaradda warfaafinta iyo ururka saxaafada ee SOlJA oo loo bixiyey
guddida badqabta saxafiyiinta Somaliland.
Guddidan ayaa ka kooban toddoba xubnood oo u
badan wasaarada warfaafinta Somaliland oo uu ku jiro agaasimaha guud ee
wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka.
Warbaahinta madax banaan ayaa sheegay in
guddidaasi aanay ku jirin wariyeyaal madax banaan,isla markaana kuwii laga
cabanayey aanay dhex ka noqon Karin warbaahinta.
Wariyeyaasha madax banaan ayaa sheegay in guddi
dhinaca muxaafadka u badan aan loo baahnayn, isla markaana guddidan ay ku
markhaati furi karta wariyaha dhiban hadii laga soo dacwooda, sidaas darteed,
waxaanay dhowaaq dheer ka muujiyeen in guddidaasi aanay ogolayn warbaahintu.
Ururka saxaafadda Somaliland ee Solja ayaa loo
baahan yahay inay iyadu doorkeedii qaadato,isla markaana ay difaacdo
wariyeyaasha, haseyeeshee guddi cusub oo aanay ku jirin warbaahintii madax
banaanaa aanay suurogal ahayn inay warbaahintu la shaqayso.
Inta badan wariyeyaasha madax banaan ayaa si weyn
uga hor yimid guddida shan ka mid ahi wasaarada warfaafinta yihiin, taas oo mar
walba aqlabiyadii ay leedahay wasaaradda warfaafintu.