Sabti, April, 20, 2019 (HOL) – Weeraryahanka
kooxda Liverpool, Maxamed Salaax, ayaa sheegay in ragga ay "dhaqanka
wadaagaan iyo kuwa Bariga Dhexe" looga baahan yahay inay si xushmad
dheeraad ah leh ula dhaqmaan dumarka, xilli uu laacibkan ka mid noqday boqolka
qof ee ugu saamaynta badan caalamka ee ay soo xulatay jariirada Time.
Laacibkan 26 jirka ah ee Masar u dhashay, ahna nin si wanaagsan ugu dhaqma
diinta Islaamka, ayaa kamid ahaa lixda qof ee sawirradooda lagu daabacay bogga
hore ee jariiraddaasi Maraykanka ka soo baxda, waxaana waraysigii lala yeeshay
uu uga hadlay xuquuqda dumarka.
"Waxaan u baahannahay inaan wax ka bedelno dhaqankeena ku aaddan
haweenka," ayuu u sheegay jariirada Time.
"Waa inaan sidaa samaynaa, oo ma aha wax khiyaari ah."
Waxa uu intaa ku daray: "Waxaan u taageeraa dumarka si ka badan sidii
aan horay ugu taageeri jiray, waayo waxaan dareensanahay inay u mudan yihiin
wax ka badan waxa hadda la siiyo."
Waxaa Salaax liiskaasi ku wehliya dad caan ah oo ay ka mid yihiin
madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ra'iisal wasaaraha Pakistan Imran Khan,
asaasaha Facebook Mark Zuckerberg, xaaska madaxweynihii hore ee Maraykanka
Michelle Obama iyo fanaaniinta kala ah Ariana Grande iyo Lady Gaga.
Dadka ku soo baxay liiskan ayaa loo kala qeybiyay shakhiyaad horseed ah,
fanaaniin, hogaamiyayaal, kuwo caanbaxay iyo shakhsiyaad aad muhiim u ah oo ka
mid yahay Maxamed Salaax.
John Oliver oo ah majaajileyste u dhashay Ingiriiska daadihiyana barnaamijka
Last Week Tonight isla markaana taageero weyn u ah kooxda Liverpool ayaa maqaal
kooban oo uu uga hadlayo Salaax u qoray jariirada.
"Mo Salaax waxaa bani'aadan ka wanaagsan laacibka uu yahay," ayuu
qoray Oliver oo intaa ku daray, "waxaana uu kamid yahay laacibiinta ugu
wanaagsan caalamka."
"Mo waa qof muhiim u ah Masaarida, dadka Liverpool iyo Muslimiinta
dunida oo dhan, sidaa oo ay tahayna waa nin aan isla-weyni ku jirin, dadka ka
fekera oo qosol badan."
Maxamed Salaax ayaa Juun 2017 Liverpool uga soo biiray kooxda Roma, waxaana
xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay uu kooxdaasi u dhaliyay 44 gool.
Xilli ciyaareedkan oo ay Liverpool dadaal weyn ugu jirto hanashada horyaalka
Ingiriiska markii ugu horreysay tan iyo 1990, ayaa Salaax waxa uu dhaliyay 19
gool oo Premier league-ga ah.
"Dadku markasta wax weyn ayay kaa filayaan," ayuu yiri, isagoo
intaa ku daray "Waxaad arkeysaa carruur xiran funaanadaada oo sheegaya in
maalin uun ay ku haminayaan inay adiga oo kale noqdaan."
"Marka cadaadiska ayay ku kordhinayaan, balse dhanka kale waxa ay kaa
dhigaysaa qof ku faraxsan guulaha uu ilaa hadda gaaray."
Shanta qof ee bogga hore ku wehlisa Salaax ayaa kala ah fanaanada Taylor
Swift, jilaayaasha kala ah Dwayne Johnson iyo Sandra Oh, weriyaha Maraykanka ah
ee Gayle King iyo afhayeenka aqalka wakiillada Maraykanka Nancy Pelosi.
Salaax ayaa kamid ah saddex xiddig oo caalami ah oo dheela ciyaaraha kala
kuwan, waxaana labada kale ay kala yihiin Caster Semenya oo u dhalatay Koonfur
Afrika laba goorna qaaday horyaalka orodka sideeda boqol ee mitir ee Olimbikada
iyo gabadha kaalinta koobaad kaga jirta tennis-ka ee Naomi Osaka oo u dhalatay
Japan.
Laacibiinta kale ee liiska ku jira balse u dhashay Maraykanka ayaa kala ah
LeBron James oo caan ku ah kubadda kolayga ee NBA, Tiger Woods oo golf-ga
dheela iyo laacibka kubadda cagta ee Alex Morgan.
Xigasho BBC