4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2019
Madaxwayne Mustafe Cagjar oo maanta gaaray Degmada Hargeelle

 

Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Waxaa magaalaga Hargeelle ee Gobolka Afdheer gaadhay wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar, wafdigan ayaa si quruxsan loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeelle iyadoo shacab tiro badan ay isugu soo baxeen si ay usoo dhaweeyaan Madaxwaynahooda.

Madaxwayne Mustafe oo wax yar ka hor soo galay magaalada ayaa inta uu ku sugan yahay Hargeelle waxaa uu kulamo la qaadan doonaa bulshada qaybaheeda kala duwan.

Gobolka Afdheer ayaa ahaa gobollo dhawr ah oo madaxwayne Mustafe hadda ka hor lagaga dibad baxay kaas oo shacabku ka cabanayeen qaabkii loo dhisay xisbiga XDS. Waxaana la filayaa in imaatinka madaxwaynuhu uu wax badan ka badali doono cabashadii shacabka.

 

Madaxwaynaha iyo waftigan uu hogaamimayo ayaa intii ay socdeen jidka waxay u kuugalayeen habnololeedka bulshada waxayna sidoo kale kulamo xogwaraysiya la qaadanayeen qaybaha laka duwan ee bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]