4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2019
Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

 

Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu halkaa ka dhacay qarax miino oo sababay khasaare dhimasho.

Guddoomiye ku-xigeenkii Amniga degmada Maxaas Cabdirashiid Cismaan Carab ayaa lagu waramayaa in uu qaraxa ku geeriyooday

Ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan hasse ahaatee ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa wada baaritaanno la xiriira cida ka danbeysay qaraxan miino.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]