4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2019
Taliye ka tirsanaa saraakiisha Booliiska Kenya oo is dilay

 

Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Taliye ku-xigeenka saldhiga Booliiska deegaanka Likoni Joab Omondi ayaa is dilay kaddib markii uu toogasho ku dilay gabar ay saaxiib ahaayeen.

Deegaankan Likoni oo ka tirsan magaalada Mombassa ayaa waxaa siweyn u saameysay dhacdadan uu isku dilay taliyaha oo la sheegay in ka hor inta uusan toogashada ku dilay gabadha ay saaxiibada ahaayeen uu muran dhaxmaray.

Gabadha uu dilay taliyaha ka hor inta uusan is dilin ayaa la sheegay in ay ka shaqeyneysa baar ku yaalla deegaanka Mtongwe ee Magalada Mombaasa.

Saraakiisha Booliiska oo gaaray halka falkani uu ka dhacay ayaa wada baaritaano xoogan oo la xiriira sababaha ugu weyn ee ka dambeysay in uu taliyahaasi sare uu is dilo.

Ma jiro faah faahin intaa dhaafsiisan oo ay ka bixiyeen saraakiisha Booliiska taliyahan is dilay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]